Jen. Ibraahim Aadan Yarow oo geeriyooday iyo Madax sare oo War ka soo saartay

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka hadlay geeridii ku timid Jen. Ibraahim Aadan Yarow oo ka tirsanaa saraakiisha ciidanka xooga dalka oo maanta ku geeriyooday Muqdisho ka dib xanuuno soo wajahay.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, qoyska, ehellada iyo dhammaan Ciidanka XDS geeridii ku timid General Ibrahim Aadan Yarow oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Alle ha u naxariistee Marxuumka wuxuu ahaa halyeey xiliyo adag uso shaqeeyay Qarankeena, isagoo qeyb weyn Ka qaatay la dagaallanka kooxaha argagixisada. Wuxuuna wakhtigiisa inta badan ku bixiyay difaaca dalkiiisa, diintiisa iyo dadkiisa. Waxaan Allah SWT uga baryayaa in uu janadiisa ka waraabiyo, ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed na samir iyo iimaan ka siiyo’ ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Jen. Ibraahim Aadan Yarow

.Madaxweynaha ayaa Xusay in Marxuumku uu Door wanaagsan uu ka soo qaatay dhismaha iyo Tayeynta Ciidamada Qalabka sida isagooa xilal kala duwan soo qabtay.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Aadan Yarow waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer. Waxa uu xilal kala duwan oo muhiim ah ka soo qabtay Ciidamada qalabka sida, isagoona door muhiim ah ku lahaa dhismaha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Lafatagreen  ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

- Advertisement -