Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ugandha oo xiraysa goobihii karantiilka ee cudurka Ebola iyo sababta ka dambeysa

Dowladda Uganda ayaa isbitaalka ka saartay bukaankii ugu dambeeyay ee cudurka Ebola, sida uu sheega sarkaal sare oo ka tirsan waaxda caafimaadka Jimcihii, taasoo sare u qaadeysa rajada laga qabo in cudurkan oo dilay ugu yaraan 56 qof uu soo afjarmi karo.

Saraakiisha ayaa markii ugu horeysay xaqiijiyay cudurkan bishii Sebtembar, mana jiraan wax tallaal ah oo la xaqiijiyay.

Diana Atwine, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka, ayaa kusoo qortay Twitter-ka inay ku faraxsan yihiin in qofkii ugu dameeyay ee xanuunka laga saaray isbitaalka.

Waxay sheegtay in dhakhaatiirtu ay sii wadi doonaan la socodka dadka u dhawaaday bukaannada cudurka qaba ilaa 21 maalmood. Ma aysan sheegin goorta la xaqiijiyay kiiskii ugu dambeeyay ee cusub.

Dowladda Uganda ayaa waxay soo rogtay xayiraad dhanka safarka ah iyo bandow habeenkii ah, waxayna xirtay goobaha cibaadada iyo madadaalada bishii Oktoobar, si ay isugu dayaan inay u xakameeyaan cudurka ka dillaacay bartamaha Uganda, laakiin dhawr kiis ayaa markii dambe kasoo muuqday caasimadda iyo bariga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xassan Shiikh oo la kulmay dhaxal-suge Max’ed Binu Salman

Caydiid Ali

Maamulka G/Banaadir & Masuuliyiinta degmooyinka oo ka wada hadlay qodobo Muhiim ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Digniin laga bixiyey musiibo sanadaha soo socda ku soo wajahan caalamka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---