Mareykanka oo shaaciyay Khasaaraha ka dhashay Duqdeyn ka dhacday Ceelbuur

War kasoo baxay Taliska Dowlada Mareykanka ku leedahay Qaarada Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday Duleedka Degmada Ceelbuur lagu dilay dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaasi ay fuliyeen diyaaradahooda dagaalka, waxaana warka kasoo baxay taliska lagu sheegay in Shan dagaalyahan oo Al Shabaab katirsanaa duqeynta lagu dilay

Waxaa sidoo kale lagu sheegay Warkan kasoo baxay Taliska Mareykanka in duqeyntan ay fuliyeen diyaaradahooda fasax  uga heesteen dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa ayna Mareykanka sheegeen in ay sii wadayaan duqeymaha Shabaab ka dhanka ah.

Al Shabaab ayaa sheegtay Duqeyntii ka dhacday Deegaanka Dac ee duleedka degmada Ceelbuur in lagu dilay sadex qof labo nin oo oday ah iyo haweeney la socotay kadib gantaal lala helay gaari ay la socdeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -