Madaxweynihii hore ee Hirshabelle oo Isbaariiste ku tilmaamay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa magac weyn ka sameeyay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab uu ka bilaabay gobolka Hiiraan, dagaalkaas ayaana sababay in Al Shabaab laga saaro qeybo badan oo Hiiraan kamid ah .

Cali Jeyte Cusmaan ayaa shalay si kulul uga hadlay isbaarooyin la sheegay in ay dhigteen qaar kamid ah macawuusleydii Al Shabaab la dagaalantay, waxa uuna si adag uga hor yimid in isbaaro la dhigto gobolka Hiiraan lana dhibaateeyo dadka safarka ah.

Waxa uu sheegay Cali Jeyte in uusan marnaba aqbali doonin inta uu nool yahay in isbaaro dadka lagu dhibo la dhigto Hiiraan, waxa uuna wacad ku maray in gacan bir ah kala hortagi doono qofkii isku dayaa in uu isbaaro dhigto.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ka falcelinayay hadalka Guddoomiye Cali Jeyte ayaa sheegay in guddoomiyaha naftiisa uu yahay isbaariiste ayna u yaalaan isbaarooyin sida uu tilmaamay.

Waxa uu xusay in Cali Jeyte uusan marnaba ogoleyn in Hiiraan la dhigto isbaaro aan tiisa aheyn, waxa uuna xusay dagaalka Al Shabaab in uu ka bilowday isbaaro uu lahaa Cali Jeyte ay mid kale dul dhigeen.

”Dagaalkii dhex maray Gudoomiye Cali Jeyte iyo Shabab ee markii dambe gacantiisa ka baxay isuna beddelay Kacdoonka Reer Hiiraan wuxuu asal ahaan ka bilowday markey Shabaab isbaaradiisii taalay Kala beyrka dul dhigeen isbaaro kale. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte kama kaftamo isbaarada oo waa khabiir fahamsan isbaaro wexey tahay iyo waxey gasho. Ogow haddaad isbaaro dhigato Cali Jeyte aa isbaarada ku cariirisay, waxaad ka heshaana leedahay” ayuu ku yiri qoraal Cali Cosoble soo saaray.

Hadalkan ayaana baraha bulshada ka abuuray falcelin aad u badan, waxa ayna dadka badankiisa gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolka Hiiraan ku dhaliileen Madaxweynihii hore ee Hirshabelle mid dacaayad ku furaya kacdoonka uu hormuudka u yahay Cali Jeyte.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -