Galmudug oo ka hadashay Afduub loo geestay shaqaale ka tirsan Wasaarada arrimaha Gudaha

War saxaafadeed kasoo baxay dowlad goboleedka Galmudug ayaa si kulul loogu cambaareeyay afduub degmada Caabud Waaq loogu gaystay shaqaale ka tirsan wasaarada arrimaha Gudaha Galmudug.

Shaqaalaha katirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee la afduubtay ayaa la sheegay in ay qaban qaabinayeen doorashada golaha deegaanka ee degmada Caabudwaaq, waxaana afduubka geestay maleeshiyad ka carrooday habka loo qeybsaday golaha deegaanka.

”Dowlada Galmudug waxay cambaaraynaysaa dhacdadii Af-duubka ahayd ee aaga degmada Caabud Waaq loogu gaystay shaqaale ka tirsan wasaarada arrimaha Gudaha Galmudug . Falalka af-duubku waa fal dambiyeed kasoo horjeeda dhamaan sharciga iyo nidaamka’ ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Galmudug.

Odayaal katirsan dhaqanka degmada Caabudwaaq ayaa ku guuleestay in ay soo daayaan shaqaalahii la afduubtay, waxaana hadda shaqaalahaasi la geeyay goob ammaanka ah oo shaqadooda ku wataan.

Madaxda dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku amartay hay’adaha Amniga in Amniga Dagmada caabudwaaq gacan buuxda lagu qabto, waxa uuna maamulka sheegay in dhismaha golaha deegaanka halkeeda kasii soconeyso.

 

- Advertisement -