(Sawirro) Muuse Biixi oo qaabilay Orodyahanada Mo Farah & Nageeye oo gaaray Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabiley orodyahan Maxamed Mukhtaar Jaamac Faarax (Mo Farah) oo uu wehelinayey Orodyahan Cabdi Aadan Nageeye oo u u kala orda dalalka Britain iyo Holand

Kulankan Muuse Biixi ku qaabiley Oradyahannada caanka ah oo lagu tilmaamay inuu ahaa dhiirigelin uu u muujiyey labadaa orodyahan ayaa kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda, tusaale fiicana u noqdaan jiilasha soo koraya.

Madaxweynaha ayaa ku maammuusay orodyahanada bilado abaalmarin ah oo ka turjumaya dedaalka iyo kartida ay muujiyeen

Madaxweynuhu wuxuu  ku soo dhaweeyey Mo Farah dalkiisa hooyo, isagoo uga mahadnaqay inuu soo kaxaystay, dalkana keenay saaxiibadiisii ay isku mihnada ahaayeen oo uu ugu horreeyo Cabdi Aadan Nageeye oo isagu ah oradyahan kale oo caana una orda dalka Holland balse wakhtigiisii fasaxa ku yimid Somaliland.

Dhinaca oradyahannada waxa ku wehelinayey Mo Faarax walaalkii Xasan Mukhtaar Jaamac Faarax iyo wiil uu dhalay Mo Farah iyo xubno kale oo muhiima.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -