Qaraxyo khasaaro geestay oo ka dhacay Degmada Dayniile iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Waxaa xalay qaraxyo loo maleenayo in ay yihiin nuuca miinada dhulka lagu aaso ka dhaceen xaafada Gubta ee degmada Dayniile, waxaana qaraxyadan ka dhashay khasaaro dhaawacyo u badan.

Qaraxa koobaad ayaa wararku sheegayaan in uu ka dhacay meel ku dhaw halka ay ku taalo xarunta waaxda Barwaaqo , qaraxa labaad ayaa isna dhacay daqiiqado yar kadidib, waxa uuna ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn goobtii hore uu ka dhacay qaraxii hore.

Goobjoogayaal ku sugan xaafada Gubta ee degmada Dayniile ayaa noo sheegay in qaraxyada ku dhaawacmeen askar katirsan ciidamada ammaanka degmada Dayniile gaar ahaan kuwa booliiska oo ku sugnaa aaga qaraxyada ka dhaceen.

Laamaha ammaanka magaalada Muqdisho iyo maamulka degmada Dayniile ayaan ka hadlin qaraxyadan xalay ka dhacay degmada Dayniile iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana qaraxyadan imaanayaan xilli habeeno kahor sidoo kale Gubta ka dhacay weerar culus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -