Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xubno la sheegay iney ka soo baxeen Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidanka DF (Sawirro)

Wasiir ku xigeenka warfaafinta DF C/raxmaan Yusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada dowlada iyo kuwa degaanka ee ka dagaalamaya gobolka Galgaduud qeybo ka mid ah.

Al Cadaala ayaa boggiisa facebook soo dhigay Qoraal kooban oo arintaas kaga hadlay kaasoo u qornaa sidatan:-

Cabdiwaaxid Xaashi Warsame iyo Cabdi Maxed Xaashi, waxeey kasoo baxsadeen Khawaarijta joogta aagga Ceelgaras markii ay maqleen in Ciidamo deegaanka ah ay soo gaareen Qaayib.

Waan umahadcelinaynaa dhalinyarada kasoo baxaya Khawaarijta ee ka faaiidaysanaya fursadda lasiiyay.

Maalinkasta wey kordhaysaa tiradu, waana caalamad muujinaysa in safkaasi uu dumay oo laga kala cararayo.

Markale ayaan leenahay leenahay waxaad tihiin Wiilasheenna marka aad ka hartaan Fikirka Khawaarijka ah.  Ilaah ayaa mahad leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoorqoor oo xariga ka jaray Mashruuc cusub, Mid kalena dhagax dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Mahrajaan Cajiib ah oo lagu soo bandhigay magaalada Ceelbuur (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Raisul Wasaaraha Somalia oo goor dhow gaaray Magaalada Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---