Muxuu Deni kala hadlay xubno Wakiilada Dowladda Norwey u jooga Somalia? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa habka foggaan araga ee “Zoom”-ka kulan Kula qaatay Masuuliyiinta Dowladda Norway u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

Masuuliyiinta Dowladda Norway ka socda ee uu Kulanka la qaatay Madaxweynuhu ayaa kala ah Ergayga gaarka ah ee Dowladda Norway u qaabilsan Soomaaliya Marwo Heidi Elburgi Johansen, La-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Norway

Ole Lindeman iyo Safiirka Dowladda Norway ee Soomaaliya Amb. Haakon Svane.

Kulanka oo uu Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, ayaa looga hadlay Guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Puntland, Doorashooyinka Hal qof iyo hal cod ee Puntland iyo Mashaariicda horumarin.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Norway taageeradooda ku aadan hannaanka dimuqraadiyadda Puntland iyo Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo  Mashaariicda horumarin ee ay Dowladda Norway ka taageerto Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -