Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaaraha Somalia oo goor dhow gaaray Magaalada Kismaayo

Wafdi uu horkacayo Raisul Wasaaraha xukuumada federaalka Somalia ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Khayre oo wafdigiisa ay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan goleyaasha dowlada iyo baarlamanka ayaa si diiran ugu soo dhoweeyey garoonka Dayuuradaha Kismaayo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, xubno ka tirsan maamulkiisa iyo qeybahga bulshada.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo xoojiyey, waxaana la xiray jidadka magaalada intooda badan.

Khayre ayaa kulamo la qaadan doona madaxda Jubbaland kuwaasoo diirada lagu saarayo sidii meesha looga saari lahaa mad-madowga mudooyinkan soo kala dhex galay labada dhinac.

Safarka Khayre ee ku tegay Kismaayo oo lagu waday inuu dhaco Sabtidii ayaa dib u dhacay ka dib markii geeri lama filaan ah ay ku timid Wasiirkii dastuurka marxuum C/raxmaan Xoosh Jibriil oo shalay Muqdisho lagu aasay.

Kala soco boggan wax yar ka dib sawirada iyo warbixinada ku saabsan soo dhoweynta RW Khayre loogu sameeyey Kismaayo  

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Muuse Biixi oo la Dar daarmay maayarka Cusub iyo Golaha Deegaanka Hargeysa (Sawirro)

Cabdi Cade

Turkiga oo shidaal u diiday dayuurad ay leedahay Israel oo deg deg ugu soo degtay

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Raanabood Qurux badan oo laga dhisay Muqdisho oo Xariga laga jaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---