Wiil ay jiireen gaadiidka ciidamada ATMIS oo dhaawacii soo gaaray u geeriyooday

Cabdiraxmaan Faarax Fiidow ayaa ugu geeriyooday caawa dhaawac halis ah Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho, kaasoo ka soo gaaray markii u jiiray gaari ka mid ah kolonyo ay wateen ciidamada ATMIS.

Shilkan ayaa galabta ka dhacay degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho oo marxuumka geeriyooday uu degenaa..

Fiidow wuxuu ka mid ahaa Arday ka qalin jebiyay Jaamacadda Muqdisho, wuxuuna Abuurtay shaqo isaga u gaar ah oo ah Tolista dharka (Harqaan) ka dib markii uu waayey cid shaqo siisa ama meel uu u shaqo tago.

Afhayeenka ciidanka Booliska DF Sadiiq Doodishe ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku saabsan shilkaas, lana gaarsiiyey heyadihihii dowlada ee ku shaqada lahaa.

Dhinaca kale,Maamulka Degaaka Lafoole ee gobolka Sh/hoose ayaa War-Saxaafadeed kasoo Saarey dhacdadan maanta Kolonyada ATMIS ku Dileen qof shacab ah oo marayay Suuqa ceelaha Biyaha.

Gudooomiyaha Degaanka Nuur ibraahim Osman ayaa Sheegay in maamulka Degaanka iyo Taliska Ciidanka Boliiska ay wadaan Baaritaan ku Saabsan sida ay wax u dheceen.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaan Sheegay inay la Xiriiyeen Taliska ATMIS ayna diyaar uyihiin iney kaalintooda qaataan.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEED

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -