Ururada Siyaasadda Puntland oo shuruudo adag ku xiray doorashada qof iyo cod (Akhriso)

Ururada siyaasadda ee ka jira maamulka Puntland oo shir xasaasi ah isu yimid ayaa ka arinsaday hannaanka ay u qabsoomeyso doorashada la filayo in ay ka dhacdo deegaanada Puntland marka uu dhammaado muddo xileedka maamulka hadda jira.

War saxaafadeed ay soo saareen ururadan shirka yeeshay ayey kusoo dhaweeyeen qabsoomida doorasho qof iyo cod ah, hasa ahaatee waxa ay shuruudo adag ku xireen hannaanka doorashadaasi loo wajahayo iyo waxyaabaha ka horeeya.

Waxa ay sheegeen ururada mucaaradka ee Puntland in shuruudaha ay soo bandhigeen in ay aasaas u yihiin doorasho xor & xalaal ah oo ka dhacda deegaannada Puntland, waxa ayna xuseen in ay diyaar u yihiin dhankooda ka qeyb galka doorasho xalaal ah.

Halkan ka AKhriso Shuruudaha ay soo bandhigeen ururada Mucaaradka ku ah Deni

  1. In la dhammeystiro xubnaha ka dhiman Maxkamadda Dastuuriga ah.
  2. In la baddelo nidaamka Liistada xiran ee Doorashooyinka Golaha Deegaanka lagana dhigo mid furan.
  3. In la dhimo tirada Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka.
  4. In Ururrada Siyaasadda Fursad loo siiyo in ay u diyaargaroobaan diiwaangelinta codbixiyaasha.
  5. In diiwaangelinta si siman halmar uga wada dhacda Deegaannada Puntland.
  6. In Deegaannada Doorashada aysan ka dhici Karin heshiis siyaasadeed laga gaaro kahor inta aysan Diiwaangelintu billaaban.
  7. In Xuduudaha Degmooyinka ee lasoo bandhigay la waafajiyo Dastuurka & Xeerka Degmooyinka iyo Gobollada qodobkiisa 21aad, faqradiisa 2aad.
  8. In nidaamka ku xadidaya saddex Xisbi Dalku yeesho muddo 10 sano ah meesha laga saaro oo la baddelo.
  9. In uu Urur kasta oo hela aqbaliyadda Xildhibaannada Golaha Deegaan-Doorasho ama Isbaheysi Ururro dhexmara ay ku helaan aqlabiyadda ay soo dhisaan maamulka Degmada Faragelin la’aan.
  10. In Xubin kasta oo kusoo baxda magaca Urur-siyaasadeed ee baalmarta xeerka Ururkaas u degsan ay dhumineyso xaasadda Xildhibaannimo ururkana soo baddelanaya Booskiisa.
  11. In Shaqaalaha loo qaadanayo Doorashada loo maro nidaam daah-furan oo ururrada siyaasadda la socdaan.
  12. In Ururrada Siyaasadda ay qayb ka helaan dakhliga Dowladda & taageerada Deeq-bixiyaasha maadaama nidaamka dimuqraadiyadu yahay Billaw.
  13. In la diyaariyo Guddi madax-bannaan oo kahortaga musuqa Doorashada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -