Booliiska dalka Koonfur Afrika oo ka biyo diiday in ay soo xiraan Jocob Zuma

Ciidamada booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa ka biyo diiday in ay soo xiraan Madaxweynihii hore ee dalkaasi Jocob Zuma oo dhawaan Maxkamada sare ee dalkaasi ku xukuntay 15-bilood oo xabsi ah.

Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in aysan sameyn doonin wax tallaabo ah oo ay ku soo qabanayaan madaxweynihii hore ee dalkaasi Jacob Zuma, islamarkaana ay sugayaan inta uu si buuxda uga dhammaanayo dagaalka dhanka sharciga ah ee uu ku jiro.

Jocob Zuma ayaa wali ka biyo diiday in uu xabsiga ku qaato 15 bilood, waxa uuna ku jiraa dagaal sharci ah uu ku doonayo in meesha looga saaro xukunka xabsiga ah ee ku riday maxkamada sare ee dalkaasi oo ku heshay dambiyo ay ku jiraan musuq maasuq.

Maxkamada sare ee dalka Koonfur Afrika ayaa ku amartay ciidamada booliiska in ay soo xiraan Jocob Zuma hadii si iskiis ah xabsiga u tagi waayo saqdii dhaxe ee habeenkii Axada ee lasoo dhaafay.

Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jocob Zuma ayaa ka codsaday maxkamadda dastuuriga ah in ay dib u eegto oo ay baabi’iso xukunka xabsi ay ku rido, waxaana maxkamada la filayaa in mar kale go’aan kasoo saarto kiiska Jocob Zuma.

Taageerayaal badan oo kasoo jeeda qowmiyada Zulu uu kasoo jeedo Jocob Zuma ayaa buux dhaafiyay qasriga uu degan yahay, waxa ayna wacad ku mareen in ay ka difaaci doonaan ciidamada booliiska hadii ay isku dayaan in ay xiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -