Allbanaadir.com
NEWS

Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Ninkii geestay oo gacanta lagu dhigay

Nin hubeesan oo la tilmaamay in uu burcad ahaa ayaa saakay aroortii hore magaalada Muqdisho ku dilay nin shacab ah oo kamid ahaa darawalada kaxeeya gaadiidka xamuulka ka qaada dekadda Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay ninka hubeesan oo doonayay in uu dhac u geesto ninka shacabka ah ayaa dilay , waxaana dilkaasi ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn dekadda magaalada Muqdisho.

Ciidamada booliiska Soomaaliya oo ku sugnaa aaga uu dilku ka dhacay ayaa si degdeg ah gacanta ugu dhigay ninka dilka geestay, waxaana dilaaga iyo marxuumkii uu dilay oo lagu magacaabayay Yuusuf Muumin Axmed la isla geeyay xarunta CID-da.

Sargaal katirsan booliiska ayaa sheegay in ciidamada gacanta ku hayaa ninka dilka geestay, waxa uuna sheegay in baaritaan lagu sameenayo ninkan ayna si degdeg ah maxkamad loo geyn doono.

Magaalada Muqdisho waxaa dilal ka geesta kooxo burcad hubeesan oo qaarkood xiran dareeska ciidamada , burcadan ayaana si joogta ah dadka ugu beegsada xaafadaha Muqdisho iyaga oo adeegsanaya mootooyinka loo yaqaab bajaajta iyo Fekon.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar dhinaca internetka ah oo lagu qaaday garoomada Maraykanka iyo koox lagu tuhmayo

Cabdi Cade

Hogaanka Ahlu Sunna oo goordhaw laga kaxeenayo Xero Inji iyo Hubkii Ahlu Sunna oo…

Cabdi Cade

Booliiska Mareykanka oo toogasho ku dilay Haweeney Soomaali ah iyo caro ka dhalatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---