Itoobiya oo Safiir cusub u magacawday Somaliland iyo Muuse Biixi oo soo dhaweeyay (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka gudoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo, safiirka cusub ee dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo magacowday maamulka Somaliland, Amb Delil Kedir Bushra.

Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, madaama safiirku ku cusub yahay xafiiska Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay magaalada Hargeysa. Waxaanu madaxweynuhu u rajeeyey safiirka inuu halkaasi ka sii amba qaado xidhiidhkii wada shaqayneed ee xafiiska uu haatan ka hawlgelayaa hore u hayey.

Waxaana kulankaa lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya maamulka Somaliland iyo Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku dhisan isu-socodka, iskaashiga dhaqan dhaqaale ee labada bulsho iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika, maadaama safiirku hawlahiisa shaqo ka bilaabi doono Somaliland.

Safiirkan cusub ee dowladda Itoobiya u magacawday in wakiil uga noqdo Somaliland ayaa imaanaya , xilli  dhawwaan sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay safiirka cusub ee Itoobiya u fadhinaya Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -