Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo taageero ka codsatay Deeq bixiyaasha Caalmka (Sawirro)

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Abdirahman Abdishakur Warsame, ayaa waddanka Switzerland kaga qaybgalay furritaanka kalfadhiga 113-aad ee golaha IOM.

Kalfadhigaan ayaa inta uu socdo waxaa diirrada lagu saari doonaa isbeddelka cimilada, haqab-beelka cuntada iyo barakaca oo saameyn weyn kuleh dadkeenna Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay madasha furritaanka kalfadhiga IOM ayaa ka codsaday deeq bixiyaasha caalamiga ah in laga taageero waddankeena la qabsiga isbeddelka cimiladda iyo dhicitaankiisa intaba.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan taageero dhinacyo badan ka dalbatay deeq bixiyaasha caalamka iyo waddamada taageera Soomaaliya, waxaana aad u yar waddamada sida dhabta ah uga soo jawaaba codsiyada loo gudbiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble oo caawa kulan xasaasi la qaatay Madaxda dowlad Goboleedyada

Caydiid Ali

Iran: “Jawaabtu sidan wey ka adkaan doontaa, haddii ay Israel sameyso qalad kale”

Caydiid Ali

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Qoor-qoor & Danjire Nicolas Barlenge?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---