Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhagax dhigay garoon diyaaradeed oo si casri ah loo dhisayo (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmada Cadale .

Garoonkaan diyaaradeed oo dhowaan dhismihiisu uu bilaaban doono ayaa lagu wadaa in loo dhiso si casri ah , waxaana la filayaa in wax badan kusoo kordhiyo harumarka deegaanka iyo isu socodka bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in garoonkan uu muhiim u yahay bulshada deegaanka, waxa uuna xusay in dhismaha garoonkan qeyb ka noqon doono mashaariicda gobolka Shabeelaha Dhaxe laga fulinayo.

Xasan Sheekh oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Cadale ayaa halkaasi kula kula duwan kula qaatay madaxda ugu sareysa Hirshabelle, siyaasiyiin , saraakiil iyo odayaasha dhaqanka Mudulood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan lagu dilay magaalada Gaalkacyo iyo ragii dilay oo la baadi goobayo

Cabdi Cade

Puntland oo shaacisay in ay diyaar u tahay ka qeyb galka Shirka Wadatashiga Qaran

Cabdi Cade

Fasiraad laga bixiyay hadal dhaliyay dood uu jeediyay Madaxweyne Deni

Cabdi Cade
Taboola Ads ---