Xildhibaan lagu dilay magaalada Gaalkacyo iyo ragii dilay oo la baadi goobayo

Wararka ka imaanaya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeesan magaaladaasi ku dileen Xildhibaan katirsanaa golaha deegaanka Gaalkacyo.

Rag hubeesan oon wali heebtooda la garan ayaa toogtay Mukhtaar Axmed Cumar (Tinle) oo katirsanaa golaha deegaanka Gaalkacyo sidoo kale ahaa ganacsade, waxaana dilka kadib baxsaday ragii hubeesnaa.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in Xildhibaanka la dilay xili uu kasoo baxay goob ganacsi, waxa uu sidoo kale tilmaamay in raga hubeesan dhaawaceen askari isku dayay in uu qabto.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland in ay socdaan howlgalo balaaran oo ciidamada amaanka ku baadi goobayaan ragii ka dambeeyay dilka Xildhibaanka katirsanaa golaha deegaanka Gaalkacyo.

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhaca dilal loo geesto dad katirsan maamulka Puntland iyo waliba dad shacab ah, waxaana inta badan baxsada dadka fuliya dilalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -