Guddoomiye kuxigeennada cusub ee Gobolka Banaadir oo maanta xilka la wareegay (Sawirro)

Munaasabad maanta ka dhacday xarunta gobolka Banaadir ayaa xilka waxaa kula wareegay  guddoomiye ku-xigeennada cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee gobolka uu dhawwaan madaxweyne Xasan Sheekh Magacaabay.

Waxaa lagu martiqaaday munaasabadda xil wareejinta ee maanta ka dhacday xarunta gobolka Banaadir masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya, kuwaa oo goobjoog ka ahaa sida xil wareejinta u dhaceysay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xilalka u kala wareejiyay Guddoomiye ku-xigeenada cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee maamulka Gobolka.

Yuusuf Madaale ayaa uga mahadceliyay guddoomiye kuxigeenadii hore shaqadii ay soo qabteen, waxa uuna sheegay in kuxigeennada cusub iyo xoghayaha dhankooda looga fadhiyo in ay qabtaan shaqo badan oo waxtar u leh bulshada gobolka.

Guddoomiye kuxigeennada maamulka gobolka Banaadir ee maanta xilka wareejiyay ayaa muddo ka badan labo sanno kuraastan ku fadhiyay, waxa ayna intooda badan u  badnaayeen kuwa siyaasad ahaan aad u taageersanaa Madaxweyne hore Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -