Puntland oo shaacisay in ay diyaar u tahay ka qeyb galka Shirka Wadatashiga Qaran

Qoraal goordhaw kasoo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu shaaciyay in ay diyaar u yihiin ka qeyb galka shirka golaha wadatashiga qaran uu hogaaminayo Ra’isul Wasaare Rooble.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa sidoo kale sheegtay  in ay diyaar u yihiin  qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.

”Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaamiyo RW Maxamed Xuseen Rooble, dowladda Puntland waxay kaloo caddeynaysaa in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Puntalnd.

Warkan goordhaw kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa kusoo aadaya xili uu khilaaf dhanka doorashada salka ku hayo soo kala dhax galay Farmaajo iyo Rooble uuna Farmaajo ku baaqay shir kale oo wadatashi ah oo aheyn kii Rooble horey u iclaamiyay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -