Ruushka oo koronto la’aan dhigay dalka Ukraine iyo Madaxweyne Zelensky oo qeylo dhaamiyay

Ciidamada Ruushka ayaa xoojiyay duqeymaha ay ka fulinayaan qeybo badan oo kamid ah dalka Ukraine, waxaana Ruushka duqeymaha ku bartilmaameedsanayaan ilo muhiim ah dowladda Ukraine.

Duqeymihii ugu dambeeyay ay fuliyeen ciidamada Ruushka ayaa lagu bartilmaameedsaday warshado iyo goobo kale oo muhiim ah oo kuyaalla magaalooyin kala duwan, waxa ayna duqeymaha horseedeen in ay meesha ka baxaan adeegyo badan.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa ku edeeyey Ruushka dambiyo ka dhan ah bini’aadminimada, waxa uuna ku eedeeyay  in ay dhibaateeyeen xoogga korontada Ukraine ayna sabab u noqdeen in qeybo badan oo dalka kamid ah koronto la’aan ka dhacdo .

Zelensky waxaa uu sheegay in ciidamada Ruushku si uu ku talogalay uu u dhibaateynayo magaalooyinka isagoo ku qaadaya weeraro aan kala sooc laheyn, taas uu tilmaamay in ay ka dhasheen dhibaatooyin badan.

Dowladda Ruushka ayaa lagu eedeeyay in duqeymaha ay ku wadaan Ukraine kuna burburinayaan xoogga korontada uga gon leeyihiin in shacabka dhibaato soo gaarto maadaama lagu jiro xilliga qaboobaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -