Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Erdogan oo ka hadlay weeraro ciidamada Cirka Turkiga fuliyeen

Ciidamada Turkiga oo ka jawaabay weerar qaraxyo ah oo dhawwaan ka dhacay magaalada Istanbuul ayaa duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyay deegaano kuyaalla dalalka Siiriya iyo Ciraaq ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Kurdiyinta.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ciidamada Turkiga weeraro ku qaadeen fariisimaha Kurdiyiintu ku leeyihiin waqooyiga Suuriya, waxa uuna sheegay in weeraradan yihiin kuwa bilow ah.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in ay ka go’antahay ciidankooda sugida ammaanka Turkiga, waxa uuna sheegay in ciidankooda ay beegsan doonaan kooxaha cadawga uu ku tilmaamay ee katirsan Kurdiyiinta.

Wasiirka gaashaandhigga Turkiga ayaa horey u sheegay in ciidanku ay duqeeyeen ku dhawaad ​​shan boqol oo bartilmaameed oo ay leeyihiin maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee Suuriya iyo Ciraaq tan iyo Axaddii.

Dowladda Turkiva ayaa dagaal adag kula jirta kooxo Kurdiyiin ah ay u aqoonsan yihiin argagaxiso, waxa ayna inta badan dowladda Turkiga weeraro ka dhan ah kooxahaasi ka fulisaa gudaha Ciraaq iyo Siiriya ay ku leeyihiin Kurdiyiinta saldhigyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo hubeesan oo la wareegay xaafado katirsan Baladweyne iyo Xiisad ka jirta (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Abiy oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga (Sawirro)

Cabdi Cade

NISA oo qabatay qiyaastii 80 Tan oo ah Maadada (Sulfuric Acid) & shaqsiyaadkii watay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---