Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal Khasaaro kala duwan sababay oo saakay ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Dagaal dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland , waxa uuna dagaalkan u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada daga.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed oo u dhaxeeyo muran dhul saakay ku dagaalameen waqooyiga magaalada Gaalkacyo gaar ahaan meel ku dhaw Hotelka Sugule.

Inta la xaqiijiyay dagaalka ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo waxaa ku dhintay saddex qof halka tiro kalana ku dhaawacmeen, waxaana jirta cabsi wali laga qabo in ay dagaalamaan labada maleeshiyo beeleed.

Waqooyiga Gaalkacyo waxaa ka socda dadaalo ay wadaan odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiin katirsan maamulka Puntland, waxaana dadaaladan lagu doonayaa in xal loogu helo xiisada wali magaalada ka jirta.

Magaalada Gaalkacyo ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka beelaha ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dagaalo u abaabulan qaab beeleed, waxaana dagaaladaasi dhibaato kasoo gaaraan shacabka aan waxba galabsan ee magaalada ku dhaqan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Geerida Caawa ku timid Cabdullaahi Abyan Nuur

Cabdi Cade

(Sawirro) Dad ka badan 50 ruux oo ku naf waayey dab weyn oo ka kacay keymaha..

Caydiid Ali

Agaasimihii Madaxtooyada Galmudug oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---