Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

NISA oo qabatay qiyaastii 80 Tan oo ah Maadada (Sulfuric Acid) & shaqsiyaadkii watay

Taliska Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, ayaa sheegtay inay gacan ku dhigtay 79 Tan oo ah maadada (Sulfuric Acid) taasoo ka mid ah maadooyinka qaraxyada laga sameeyo.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitterka ayey NISA ku sheegtay in sidoo kale la qabtay shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, una gudbinayey Al-Shabaab, ayna wajihi doonaan sharciga dadka dalka soo galiyay maadadan.

“Baaritaanka Maadadan waxaa ka wada shaqaynaya NISA & Hey’adaha ay iska kaashadaan ladagaalanka waxa loogu yeero Aragagixisada” ayaa lagu yiri qoraalka oo aan lagu sheegin halka laga soo geliyey maadadan iyo goobta lagu qabtay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA NISA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar ninkii ay Jecleyd ku dhax guursatay Isbitaal iyo Sababta keentay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Muran badeedka Kenya wado ugu dambeyn waa mid aan hureyn dagaal & qalalaase

Caydiid Ali

Magaca & Sawirka Soomaali dhowaan dad ku dilay Masjid oo la soo bandhigay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---