Ciidamo hubeesan oo la wareegay xaafado katirsan Baladweyne iyo Xiisad ka jirta (Sawirro)

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee caasimadda maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in halkaasi saakay ka jirto xiisad ,kadib markii xaafado katirsan magaaladaasi la wareegeen ciidamo maleeshiyaad ah.

Ciidamada hubeesan ee saakay la wareegay xaafadaha katirsan magaalada Baladweyne ayaa waxaa hogaaminaya sargaal lagu magacaabo Nuur Dheere, waxa ayna ciidankan wataan gaadiid dagaal iyo hub kala duwan.

Sida aan wararka ku helnay ciidamadan hubeesan oo kasoo horjeeda in Baladweyne yimaado madaxweynaha Hirshabelle ayaa waxa ay xirteen wadada isku xirta garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne iyo xerada ciidamada ee Lamagalaay.

Xiisad ayaa ka jirta xaafado katirsan magaalada Baladweyne, waxaana laga cabsi qabaa in ay isku dhacaan ciidamada hubeesan ee la wareegay xaafado katirsan magaaladaasi iyo ciidamada ka amar qaata maamulka Hirshabelle.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa warar soo baxay sheegayeen in uu tagayo magaalada Baladweyne taa oo xiisad cusub ka abuurtay magaaladaasi ay joogaan ciidamo hubeesan oo kasoo horjeeda maamulka uu hogaamiyo Cali Guudlaawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -