Xiisad ka taagan doorashadii Zimbabawe iyo Mucaaradka oo guul sheegtay

Xiisad ayaa ka taagan dalka, halka oo mucaaradka dalkaasi ay shegteen inay ku guuleysteen doorashadii dalkaasi ka dhacday maalintii isniinta.

Inkastoo qeyb kamid ah codadkii la dhiibtay la tiriyay ilaa iyo imika, hadana boqolaal kamid ah taageerayaasha mucaaradka ayaa xiray wadooyinka caasimadda Harare, si ay ugu dabaal degaan sheegashada hogaamiyaha mucaaradka Nelson Chamisa ee ah inay ku guuleysteen doorashada.

Guddiga doorashada ee dalka Zimbabawe ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasada inay isdejiyaan.

Xaaladan siyaasadeed ayaa la soo sheegayaa in ey khatar ku tahay xasiloonida wadankaasi.

Kumannaan goob joogayaal caalami ah ayaa goob jog u ahaa doorashada Zimbabawe, waxaana ay noqoneysaa doorashadii ugu horeesay ee ka dhacda dalka Zimbabwe ee uusan ka qeyb gelin madadxweynihii mudada dheer soo maamulayay dalkaasi, Robert Mugabe.

Loollanka ugu weyn doorashada Zimbabwe ayaa u dhaxeeya madaxweynaha talada haya ee Emerson Manangagwa oo matala xisbiga Zanu PF, da’diisuna ay tahay oo 75 jir iyo Nelson Chamisa oo ah ninka hoggaamiyo xisbiga mucaaradka ee MDC oo 40 jir ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -