Allbanaadir.com
NEWS

(Dhaawaca noo kala qaad) Trump & Musk oo tiraya Caaydii ay is dhaafsadeen

Madaxweynaha Mareykanka Trump iyo saaxiibkiis ay isqabteen maalqabeenka caanka ah ee Elon Musk ayaa bilaabay iney baraha bulshada ka tiraan boostiyadii ay isku weerareen ka dib khilaaf culus oo ka dhex qarxay saacadihii la soo dhaafay

Bilyaneerka caanka ah ee Elon Musk ayaa toddobaadkan soo jeediyay fikrad ah inuu aasaaso xisbi siyaasadeed cusub oo Maraykan ah, taasoo laga yaabo inay sii kordhiso khilaafka sii xoogeysanaya ee kala dhaxeeya saaxiibkiisii hore, Madaxweyne Donald Trump.

Musk, oo si joogto ah maalmahan u dhaliila Trump, ayaa bartiisa X ku daabacay codbixin uu ka qaaday 220 milyan oo qof, isagoo weydiiyay su’aal u dhignayd:

“Ma la gaaray waqtigii la samayn lahaa xisbi siyaasadeed cusub oo si dhab ah u metela 80% dadka dhex-dhexaadka ah ee Maraykanka?”

Natiijada codbixintaas ayaa muujisay in ku dhawaad 80% dadkii ka qayb galay ay taageereen fikraddaas oo idhaahdeen HAA! Weli lama caddayn ilaa hadda sida ay Musk uga go’an tahay inuu iskaga tago xisbiga Jamhuuriga iyo in kale.

Khilaafka wuxuu gaaray heerkii ugu sareeyey, waxaana sababay arrimo siyaasadeed, dhaqaale, iyo eedeymo shakhsiyeed oo culus.  Inkasta oo ay horey u lahaayeen xiriir dhow, khilaafkooda hadda wuxuu saameyn ku yeeshay siyaasadda Mareykanka iyo shirkadaha Musk.

Sababaha Khilaafka

  1. Musk Iyo Taageeradiisii Trump

Elon Musk wuxuu si weyn u taageeray ololihii doorashada Trump ee 2024, isagoo ku bixiyay $288 milyan.  Sidoo kale, wuxuu ka shaqeeyay maamulka Trump isagoo hogaaminayay Waaxda Horumarinta Waxqabadka Dowladda ee (DOGE).  Si kastaba ha ahaatee, bishii May 2025, Musk wuxuu ka tagay shaqadii maamulka madaxeyne Trump, isagoo sheegay inuu diiradda saarayo shirkadihiisa.

  1. Khilaafka Ku Saabsan Sharciga Canshuuraha

Musk wuxuu si adag u dhaleeceeyay sharciga cusub ee canshuuraha iyo miisaaniyadda ee Trump, oo loo yaqaan “Big Beautiful Bill.”  Wuxuu sheegay in sharcigan uu kordhinayo deynta dowladda $2.5 tirilyan, isla markaana uu yareynayo dhiirrigelinta baabuurta korontada, taasoo si toos ah u saameyneysa Shirkada uu isagu leeyahay ee Tesla, maadaama uu weynayo canshuur dhaaf uu horay ugu sameeyey maamulkii Joe Biden.

Intaas kadib madaxeyne Trump wuxuu ku jawaabay isagoo ku tilmaamay Musk nin “waalan,” wuxuuna ku hanjabay inuu joojinayo dhammaan qandaraasyada dowladda ee la xiriira shirkadaha Musk, sida SpaceX iyo Tesla.

  1. Eedeymaha Ku Saabsan Faylasha Epstein

Musk wuxuu sheegay in Trump uu ku jiro faylasha baaritaanka ee Jeffrey Epstein, taasoo uu ku eedeeyay inay tahay sababta aysan dowladda u sii deynin dhammaan faylashaas.  Wuxuu sidoo kale ugu baaqay in Trump xilka laga qaado oo lagu sameeyo (impeachment).

  1. Nuxurka kiiska Jeffrey Epstein waa sida tan:

Waa kuma Epstein?

Jeffrey Epstein wuxuu ahaa maalqabeen Mareykan ah oo lagu eedeeyay inuu sameeyay shabakad ilmo yaryar si looga ganacsado misna uu u adeegsan jiray kufsi iyo xadgudubyo galmo.

Dambiyada lagu helay:

Ku xadgudbid galmo ilmo da’doodu ka yar tahay 14 sano

Ka ganacsiga jirka dadka (sex trafficking).

Shaqaaleysiinta gabdho si ay u keenaan gabdho kale.

Dadka lala xiriiriyay:

Epstein wuxuu xiriir la lahaa,

Dad caan ah misna awood ku lahaa Mareykanka Sida : Bill Clinton, Donald Trump, Prince Andrew & dad kale oo caan ah (oo la tuhunsan yahay, laakiin dhammaan dadkaas laguma helin dambiyo).

Geeridiisa:

Wuu is dilay (sida lagu sheegay warbixinta FBI ) xabsiga dhexdiisa ayuuna isku dilay sanadii 2019, laakiin dad badan ayaa aaminsan in la dilay si uusan xog u shaacinin.

“Epstein files” waa maxay?

Waa faylal ay ku jiraan magacyada dad caan ah oo uu xiriir la lahaa Epstein –  Laakiin magac ku qornaanshaha faylka macnaheedu ma ahan dambi cad illaa inta maxkamad ka cadeyneyso waana waxa hadda uu ku goodinayo inuu banaanka keeni doono Mr Musk markii ay isku dheceen madaxeynaha Mareykanka Donald J. Trump.

  1. Saameynta Dhaqaale ee Arintan.

Khilaafkan wuxuu sababay in qiimaha saamiyada Tesla ay hoos u dhacaan 14%, iyadoo sidoo kale saameyn ku yeeshay shirkadaha kale ee la xiriira Musk.  Musk wuxuu ku hanjabay inuu joojinayo hawlaha qaar ee SpaceX, sida diyaaradda Dragon, taasoo muhiim u ah safarada hey’ada NASA.

Related posts

(Sawirro) Maxaa ka soo baxay shirkii looga hadlayey xakameynta hubka & rasaasta?

Caydiid Ali

Gabeyre & Cadaawe oo u heshiiyey, dhibaato wayna ku haya ganacsatada Muqdisho

Caydiid Ali

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---