Dadweynaha Garoowe ee caasimada Puntland ayaa xalay sameeyay isu soo bax ballaaran oo lagu taageerayo guusha ciidamada difaaca Puntland ka soo hoyeen Hawlgalka dagaalka Daacish.
Boqollaal kamid ah dadweynaha Garoowe, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin dowladeed ayaa xalay isu soo bax weyn ku muujiyay taageeridda ciidamada dowladda ee hawlgalkii u danbeeyay ku dilay tiro badan oo kamid ah firxadkii Daacish kana xoreeyay Taliskii Miraale.
Isu soo baxan oo ka dhacay fagaaraha aargada jidka 30-ka ee caasimadda ayaa lagu muujiyey sida ay dadweynuhu u taageersan yihiin qabashadii Miraale iyo Baalade sare, halkaasi oo ay ciidamadu saacado kooban kaga saareen kooxdii Daacish oo in ka badan 10 sano difaacyo adag ka qodanayay.
Sidoo kale, dhammaan mas’uuliyiintii dowladda ee ka qeyb galay isu soo baxii xalay ayaa bogaadiyay guusha ciidamada iyo hawlgalka Calmiskaad oo geba-gabo maraya, waxaana ay ku baaqeen in la sii laba jibbaaro garab istaaga ciidamada.