Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in toddobaadkan mar kale ay Soomaaliya ku ceeboobwday inay BBC-da ku qabsadeen khariirad ay baahiyeen oo muujineysay in aanay Somaliland ka mid ahayn Soomaaliya.
Afhayeenku wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku daabacay barta X(Twitter), waxaanu tilmaamay in BBC-du ay ka mid tahay hay’adaha warbaahinta ee ugu sumcada badan caalamka. sidoo kalena wuxuu iftiimiyay in warbaahinta New York Times iyo The Guardian ay si joogto ah u kala saaraan Somaliland iyo Soomaaliya, taasina aanay ahayn arrin khalad ah.
Afhayeenka madaxweynaha Somaliland wuxuu ku dhaliilay maamulka dowlada Soomaliya in aanay xataa wada xukumin caasimada Muqdisho.
Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu intaas ku daray in aanay Somaliland ahayn gobol gooni u go’ay, hase ahaatee ay ahayd qaran la aqoonsan yahay sannadkii 1960kii ka hor midnimadii ay la gashay Soomaaliya, taasoo burburtay sannadkii 1991kii.
Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu ka warramay horumarka ay samaysay Somaliland ee ay ka mid yihiin qaran dhiskii, nabadeyntii iyo nidaamka dimuqraadiga ah ee ka tisqaaday Somaliland.
Afhayeenku wuxuu ku sifeeyay Soomaaliya “Dawlad magac ahaan uun u jirta” oo ku tiirsan beesha caalamka iyo ciidammo shisheeye.
Xuseen Deyr wuxuu hoosta ka xariiqay in jiritaanka Somaliland aanay ku tiirsanayn khariirad; hasahaatee ay shacbiga Somaliland rabitaankooda ku samaysteen dalkooda. Waxaanu bayaamiyay in warbaahinta caalamiga ahi baahiso horusocodka Somaliland ku tallaabsatay.
Waxa kaloo afhayeenka madaxweynuhu ku booriyay Soomaaliya inay ka waantoobaan cambaareynta iyo qaylada oo ay wax ku mashquulaan dhismaha dalkooda.