Maamulka Jubbaland oo War ka soo saaray go’aankii lagu fasaxay Xildhibaanada Ceelwaaq

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu guddoonka golaha shacabka ku adkeeyay sharci ahaanshaha mudaneyaasha golaha shacabka ee deegaan dooraahadoodu tahay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in xildhibaannada lagu soo doortay Ceelwaaq ay doorashadoodu u hannaan waafaqsan shuruucda dalka iyo tan doorashooyinka qaranka ayna ku faraxsanyihiin in matalaaddii bulshada gobolka Gedo ee 16-ka Kursi ay dib usoo laabato.

Qoraal ka soo baxay guddoonka golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey go’aan laga qaatay murankii ka taagnaa Xildhibaanada laga soo doortay gobolka Gedo, waxaa guddoonka golaha shacabka ee Soomaaliya ay shaaciyeen in 16-kii xildhibaan ee lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ay yihiin xildhibaanada saxda ah ee meteli doona gobolka Gedo.

Guddoonka golaha shacabka ayaa sheegay inay go’aankan ay saldhig uga dhigeen maadaama xildhibaanada doorashadoodu ka dhacday degmada Ceelwaaq lagu soo doortay hab waafaqsan habraaca doorashada ee Guddiga Hirgelinta Doorashada Dadban ee Heer Federaal.

 

- Advertisement -