Waxaa Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho ku geeriyooday agaasimihii dalxiiska ee degmada Dayniile Cabdalla Sheekh Ibraahim Jiisow, oo koox hubeysan ay xalay ku dhaawaceen xaafada Cali Booy ee degmada Dayniile.
Agaasimaha ayaa la sheegay iney madaxa xabbad uga dhufteen rag qoryo ku hubeysnaa oo loo maleynayo inay burcad ahaayeen, kuwaasoo ka qaatay moobeel iyo bastoolad uu watay, goobta ayeyna deg deg uga baxsadeen gacan ku dhiiglayaasha.
Cabdalla Sheekh Ibraahim, ayaa ahaa nin dhallinyaro oo hammi fog lahaa, waxa uuna ahaa musharax u taagnaa golaha deegaanka degmada Dayniile, isagoo ku sifeysnaa nin ka shaqeeya horumarka Dayniile isaga oon wax mushaar ah ku qaadaneyn.
Amaanka degmada Dayniile ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya, laamaha amniga iyo maamulka degmada ayaana ku fashilmay xaqiijinta amniga, waxa ayna taa baddelkeeda degan yihiin meel ka baxsan Dayniile.