Trump oo dalbaday kulan uu la yeesho dhigiisa Hassan Rouhani & Iran ka jawaabtay

Donald Trump ayaa dalbaday inuu la kulmo hogaamiyaha Iran, xilli kasta iyadoon lagu xirayn wax sharuuda ah.

“Waxa aan la kulmaya cid kasta. Waxa aan aaminsanahay kulanka” madxweynaha Mareykanka ayaa sidaasi weriyeyaasha u sheegay isagoo ku sugan aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka.

Isku daygan nabadeed ee Mr Trump ayaa imanaya kadib markii isaga iyo madaxweynaha Iran Hassan Rouhani uu midba midka kale si adag ugu digay bilowgii bishaan.

Bishii May, Mareykanka ayaa ka baxay heshiiskii niyukleerka ee Iran kadibna cunaqabateynadii caalmaga ahaa dib ugu soo celiyay Iiraan.

Washington ayaa maalmo gudohood isugu diyaarineysa in ay Tehran dib ugu soo celiso cunaqabateynada, inkastoo ay ka soo horjeesteen UK, Fransiiska, Shiinaha, Ruuska iyo Jarmalka, kuwaasoo sidoo kale dhinac ka saxiixay heshiiska sanadkii 2015-kii.

Mareykanka ayaa shaki weyn ka muujinaya dhaq-dhaqaaqa ay Iiraan ka waddo bariga dhexe. Mareykanka ayaa xulafo la ah Sacuudi Carbiya iyo Israa’iil oo labaduba ah cadowga koobaad ee Iran.

Afhayeen u hadlay dowlada Iran  ayaa sheegay in wadahadal dhexmara hogaamiyeyaasha labada dal uusan suuragal aheyn inta maraykanku wado dhaqanka cadaawada xambaarsan ee uu Iran kula dhaqmayo.

Kulankan hadii uu qabsoomo waxa uu noqon doonaa kulankii ugu horeeyay ee u dhaxeeya hogaamiyeyaasha Iran iyo Mareykanka ka dib tan iyo markii 1979-kii uu dhacay isbedelkii Iiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -