Ciidamo ka tirsan K/Galbeed oo Muqdisho lagu siinayo tababar xirfad cusub (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas  Bashiir Cabdi Max’ed (Ameriko) ayaa maanta magaaladda Muqdisho tababar uga furay Askar ka tirsan Ciidanka Booliska, kuwaasoo laga keenay magaaladda Baydhabo.

Ciidankaas, ayaa waxaa loo tababari doonaa Shaqada Baando Music, Qoraalka iyo garaacista Astaanta Qaranka, waxaana tababarkaani bixin doono Saraakiil ka tirsan Kooxda Baambeyda ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay Ciidanka tababarka loo furay inay ka faa’iideystaan casharada kala duwan ee la barayo, isaggoo Macalimiinta faray in si hagar la’aan ah ay ugu faa’iideeyaan Ciidankaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -