Allbanaadir.com
NEWS

Dad carreesan oo gaari Ambalaas ah ku dhax dilay nin bukaan ah !

Dalka Koonfur Afrika oo kamid ah waddamada ugu ammaanka xun caalamka waxaa ka dhacday dhacdo si weyn looga hadal hayo dalkaasi, kaddib markii dad carreesan ay dileen bukaan lagu siday gaari ambalaas ah.

Waaxda caafimaadka ee gobolka Gauteng ayaa sheegtay in dad carreesan soo weerareen gaari nuuca gurmadka degdega ah, waxa ayna sheegeen in dadka soo weeraray ay gudaha ambalaasta ku dhax dileen nin bukaan ah oo dhaawacyo qabay.

Kooxda weerarka ku qaaday gaariga ambalaasta ah ayaa la sheegay in ninkan uga shakiyeen in uu fal dambiyeed galay sidaasna nolosha u dhaafiyeen, waxa ayna dilkiisa u adeegsadeenb dhagxaan iyo budad.

Ninka la dilay ayaa la sheegay in uu ku dhaawacmay weerar koox hubeesan kusoo qaaday, waxaana ninkan u gurmaday waaxda caafimaadka , hasa ahaatee shacabka deegaanka ayaa gaariga ambaalasta ku dhax dilay sida waaxda caafimaadka sheegtay.

“Markii ay ambalaasta isku diyaarinaysay inay goobta ka baxdo, dadkii halkaas ku sugnaa ayaa bilaabay inay dhagaxaan ku tuuraan oo ay jidka xiraan si ay uga hortagaan in ambalaasku baxdo nasiib darro bukaanka waxaa dhaawac halis ah loo geystay isagoo saaran ambalaas”. Ayuu yiri qof u hadlay Waaxda Caafimadka.

Dalka Koonfur Afrika ayaa si joogta ah waxaa maalin kasta uga dhaca falal dambiyeedyo la xariira dilal, dhac iyo kufsi, ciidamada ammaanka ayaana ku guul dareestay in ay wax ka qabtaan falalka ammaan darro ee dallaasi ka dhaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkii Wadatashiga oo lagu kala tagay iyo Madaxda qaarkood oo ka dhoofay Garawe

Cabdi Cade

Isimada Puntland oo ka hor yimid go’aankii Madaxda DF looga Mamnuucay Garoowe

Caydiid Ali

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---