Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay, ka dib meydkeeda ku qariyey qaanad

Nin Soomaali ah ayaa lagu xiray gobolka Arkansas ee Dalka Mareykanka,  kaddib markii uu dilay xaaskiisa.

Booliska ayaa sheegay in Maxamuud Cabdiqaadir oo 21 jir ah ay qabteen maalintii Sabtida ahayd.

Ka dib markii ay su’aalo weydiiyeen waxa uu Cabdiqaadir ku jawaabay in xaaskiisa laga yaabo inay tahay mayd ayna taallo gurigooda.

Booliska Henderson ayaa tagay guriga qoyskan ay daganaayeen oo ku yaalla magaalada Kentucky, waxa ayna heleen maydka xaaskiisa oo ku jira qaanad gudaheeda.

Cabdiqaadir ayaa lagu helay caddaymo ku saabsan inuu gabadha soo gaarsiiyey dhaawacyo sababay iney geeriyooto.

Ninkan ayaa waxa uu daryeelayay ilmo 9 bilood jir ah xilligii xabsiga loo taxaabayey. Ilmaha ayaa hadda waxa gacanta ku haya waaxda arrimaha daryeelka carruurta ee Arkansas.

Dhibaatooyinka ka dhex taagan qoysaska soomaalida ee ku nool Maraykanka ayaa mudooyinkan soo badanayey, dhowaan ayeyna aheyd markii gobolka California laga helay meydka haweeney Soomaali ah la tuhunsan yahay inuu dilay saygeeda oo baxsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo Somaliland ku celiyey markab xoolo siday, kuna xujeeyey Dokumentiga DF

Caydiid Ali

(Akhriso) Habraaca soo xulista Xildhibaanada cusub ee K/Galbeed oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Iran oo cafis u fidisay in ka badan 22,000 oo maxaabiis ah oo dowladda kasoo hor jeeday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---