Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Azerbaijan oo ku dhawaaqday in deeq Waxbarasho siineyso ardayda Soomaaliyeed

Magaalada Banjul ee caasimadda dalka Gambia, waxaa kulan duceed ku yeeshay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Azerbaijan, Jehun Bayramov.

Kulanka labada masuul yeesheen ayaa looga wada hadlay inta badan xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo sidoo kale in ay yeeshaan Soomaaliya iyo Azerbaijan iskaashi cusub oo dhinacyo badan leh.

Sidoo kale kulanka ayaa lafa-guray in labada dal iskaashi iyo mowqif mideysan ka yeeshaan arrimaha shirarka caalamka, xoojinta iyo horumarinta danaha wadajirka ee labada dal ee khuseeya ganacsiga, dhaqaalaha, tamarta iyo iskaashiga aadminimo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Azerbaijan ayaa ballanqaad la xariira in deeqo waxbarasho siinayaan ardayda Soomaaliya la wadaagay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo dhankiisa uga mahadceliyay deeqdaasi.

Dowladda Azerbaijan ayaan xiriir muuqan la leh Soomaaliya, waxa ayna deeqdan waxbarasho ay ugu deeqday ardayda Soomaaliyeed noqoneysaa markii ugu horreysay ay ku deeqdo, waxaana haddii laga dhabeeyo ballantan wax badan ka faa’idi doono arday Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aqalka Sare oo beeniyay in uu jiro kulan wadajir ah uu codsaday Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade

Ninka ugu taajirsan caalamka oo sadaqo u bixinaya labo bilyan oo dollar

Caydiid Ali

Wafdi ka socda golaha amaanka Midowga Afrika oo Muqdisho yimid iyo ujeedada safarkooda

Caydiid Ali