Maamulka Somaliland oo baaritaan culus ku bilaabay 16 shirkadood oo looga shakiyey..

Hanti dhawraha guud ee Somaliland Saciid Suleymaan Mire, ayaa ku dhawaaqay in dib u eegis iyo baaris ay ku sameynayaan 16 sharikadood oo waddani ah.

Shirkadahan ayaa heshiisyo gaar ah la galay wasaaradaha iyo hay’adaha xukuumada, waxayna  qaarkood ay qabtaan dakhliga dawladda.

Waxaa ka mid ah shirkadahaasi kuwa haamaha kaydka shidaalka ee Berbera.

Hanti dhawrka guud oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa waxa uu sheegay in tallaabadani ka mid tahay ballanqaadyadii Madaxweynaha dhowaan la doortay ee la dagaallanka musuqmaasuqa, sinaanta, iyo sarreynta sharciga.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -