Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan baarlamaanka UĶ, ayaa sheegay in la joogo xiligii ay waddamada caalamka u soo noqon lahaayee. xaqiiqda oo ay aqonsan lahaayeen maamulka Somaliland oo doonata in uu ka go’ Soomaaliya inteeda kale.
Mudane Gavin Williamson, wuxuu sheegay in aan loo baahnayn in Somaliland oo ah ileyska xasiloonida iyo dimuqraadiyadda Geeska Afrika loo garbo duubo Koobfurta Soomaaliya uu ku tilmaamay waddan fashilmay oo argagixisada u waarida dunida inteeda kale.
Xildhibaan Gavin oo ka hadlayay xaflad lagu xusayay 18ka May, oo lagu qabtay London, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Ingiriisku isagoo arkaya Somaliland uu haddana ballaayiin lacag ah siiyo dawladda Federaalka Soomaaliya uu tilmaamay im aysan ka talin meel ka baxsan magaalada Muqdisho .
Waxa uu intaasi ku daray xildhibaanka in la joogo xilligii Ingiriiska, Maraykanka, Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya ay wajihi lahaayeen xaqiiqada oo ay ictiraafi lahaayeen Somaliland oo aqoonsiga ku mutaysatay sida uu tilmaamay wixii ay qabsatay 34kii sannadood ee la soo dhaafay oo ay dib u dhisatay dalkeeda oo ay hore u burburisay dowladii kacaanka ee Soomaaliya.
Xildhibaankan katirsan Baarlamaanka Ingiriiska, wuxuu ku ammaanay maamulka Somaliland dawladnimada iyo doorashooyinka qof iyo codka ah ee madaxdeedu xukunka ula kala wareegaan.