Senator C/raxmaan Faroole oo eedeeyey Guddomiye Jawaari iyo Wasiir Xoosh

Senator C/raxmaan Maxamed Faroole oo ka tirsan xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa ku eedeeyey Guddoomiyaha baarlamanka Somalia iyo Wasiirka Dastuurka inay la wareegeen awoodihii heyadaha dastuuriga ah.

Faroole ayaa ugu baaqay labada masuul iney faraha kala baxaan howlaha ay faraha kula jiraan isagoo heyadaha QM ugu baaqay iney joojiyaan taageerada ay siiyaan labadaas heyadood.

“Waxaan ugu baaqayaa Guddoonka baarlamanka Somalia inuu joojiyo fara gelinta uu ku hayo Baarlamanada Maamul goboleedyada oo maalinba meel ku shirinaya” ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Guddoonka golaha shacabka Qaranka ayuu Faroole ku eedeeyey iney la dagaalamayaan hanaanka federaalka dalka taasoo uu xusay inaan indhaha laga qarsan Karin.

“Dhibaatooyinka jira waxaa ka mid ah in lala dirirayo nidaamka federaalka, waxaa kow ka ah Hoggaanka Golaha shacabka iyo cida keentay ee magacawday wasiir aan ku habooneyn Wasaaradda Dastuurka oo maalmahan shirar waday”ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Faroole ayaa sheegay in dib u eegistii dastuurka ay dhamaatay, qodobada qaar ee dastuurka ku jirana ay ahaayeen kuwo la laalay, maadaama Aqalka sare iyo dowlad goboleedyada ay sameysmeen, wuxuuna xusay in howsha dib u eegista dastuurka uu u xil saaran yahay Guddiga madaxa banaan ee dastuurka.

Qaramada Midoobey gaar ahaan heyadda UNDP ayuu ugu baaqay inay joojiso maalgelinta ay ku bixineyso howsha uu wado Wasiir Xoosh.

“Ma haboona inay siyaasad ka shaqeeyaan Q/Midoobey iyo Hey’addeeda UNDP waxaa leenahay ha joojiyeen maalgelinta ay siiyaan howsha Wasiir Xoosh iyo Jawaari ay wadaan, ha joojiyeen lacagta lagu bixinayo ka leexinta wadada saxda aheyd ee dastuurka iyo awoodaha hey’adaha federaalka dalka, dhaqaalaha ay bixiyaan horumar kale oo bulshada wax taraya ha ku maalgeliyeen”ayuu yiri Faroole oo ka hadlayey shir jaraaid oo ka dhacay magaalada Garoowe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -