Farmaajo oo ciidamada dowlada ugu baaqay iney ka fogaadaan hal arrin oo khatar ah

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa uga digay Ciidamada dowlada inay fekerkooda ka saleeyaan qabyaalada.

Hadalkan ayuu Madaxweynuhu ka jeediyey munaasabad tababar loogu soo xirayay dufcadii ugu horeysay ee ka soo baxday saldhiga tababarka ciidamada Turkigu ku leeyihiin Muqdisho.

Farmaajo ayaa sheegay in Wadaniyadu tahay fekerka kaliya ee lagu shaqeeyo, si loo gaaro horumar dhan walba ah, wuxuuna xusay ineysan jirin wax ka xun in qof walaalka ah aad isaga fogeyso ama ku dhibaateyso qabiil dartiis.

“Ma jiro askari xun, balse waxaa jira sarkaal xun, maxaa yeelay ficilka askariga waa ficilka madaxdiisa, waxaa loo baahan yahay waajibaadkeena inaan u gudano si ka baxsan qabyaalada kuna dhisan qaranimo” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ciidamada iney u fikiraan, qaab ka duwan qaababkii hore, oo aheyd wixii Soomaalida dib u dhigay sida qabyaalada.

“Duruufihii adkaa ee markii hore nagu xambaari jiray inaan u fekerno qaababka guracan ee qabyaalada laga bilaabo maanta waa inaan ka kornaa una fikirnaa qaab qaran, qof qabiil xafiis u fadhiya ama qof matalaya ma jiro, qofka markii uu qaranka u dhaartay qabiil wuu ka fogaaday mana isla socon karaan” ayuu yiri Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -