Aqalka cad ee looga arrimiyo dalla Maraykanka , ayaa baahiyay muuqaalka duqeyn culus oo dhinaca cirka ah oo ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen buuraha Calmiskaad oo ay ku dhuumaaleesanayaan kooxda Daacish.
Duqeyntan oo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyeen buuraha Calmiskaad maalmo kahor, ayaa lala beegsaday koox katirsan Daacish oo wada socotay, waxaana la arkayaa hal mar gantaal culus oo ku dhacaya goob ay joogeen xubno badan oo Daacish katirsanaa.
Aqalka cad ee Mareykanka muuqaalka uu baahiyay, ayaa muujinaya xubno ka tirsan firxadka mileshiyaadka Daacish, oo ay toos u duqeynayaan diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka, islamarkaana aysan cidna ka baxsan intii wada socotay ee gantaalka lala eegtay.
Duqeyntan ayaa Maraykanka sheegay in ay ku dileen in ka badan 10 xubnood oo ka tirsan mileeshiyaadka argagixisada ah, mana bixin dowladda Mareykanka faahfaahino dheeraad ah oo ku aadan xubnaha duqeynta lagu dilay.
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, ayaa ka taageera Puntland duqeymaha ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad, waxa ayna labada dal duqeymo dhoor ah ka fuliyeen buuraha ay ku dhuumanayaan kooxda Daacish.

