Ebrahim Raisi oo booqasho taariikhi ah ku tagaya Mid ka mid ah dalalka Carabta

Madaxweynaha dalka Iran Ebrahim Raisi ayaa maalinta Arbacada ah u safri doona caasimadda dalka Syria ee Dimishiq, isaga oo sheegay in booqashadaasi ay qaadan doonto muddo laba maalmood ah, ayna tahay tallaabo aad u muhiima, oo qayb ka ah, iskaashiga sii kordhaya ee gobolku uu la yeelanayo xukuumada Syria, sida ay baahisay warbaahinta dawladda Iran.

Danjiraha Iran u jooga Syria Xuseen Akbari ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA in safarka uu madaxweyne Dr. Raisi uu ku tegeyo Dimishiq maalinta Arbacada ee soo socota inuu yahay mid muhiim ah oo la xidhiidha, isbedelada ka socda gobolkaas.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee IRNA, madaxweynaha Iran ayaa hoggaamin doona wefti ballaadhan oo ay qayb ka yihiin ganacsato iyo siyaasiyiin kala duwan.

Tehran oo saaxiib dhow la ah, madaxweyne Bashaar al-Asad, ayaa taageero joogto ah u fidinaysay Syria, 12-kii sano ee ugu dambeeyey ee ay colaaduhu ka socdeen, hase ahaatee hore uma dhicin in madaxweyne ka socda Iran inuu dalkaas booqdo tan iyo sannadkii 2011, oo ahayd xilligii uu dagaalku ka bilawday Syria.

Booqashada madaxweynaha Iran uu ku tegeyo Syria ayaa ku soo aadday, toddobaadyo ka dib markii uu heshiiska taariikhiga ahi dhexmaray dalalka Iran iyo Sucuudiga, oo si weyn isugu haya siyaasadda gobolka, taasoo horseedday inay iridaha u furto in dalalka Carabtu ay dib ula macaamilaan xukuumadda go’doonsanayd ee Syria.

Danjiraha Iran u fadhiya Syria ayaa sheegay in safarkani aanu muhiim u ahayn oo keliya Syria iyo Iran, balse uu yahay mid wax wanaagsan ku soo kordhinaya dalalka kale eek u yaalla gobolka.

Xukuumadda Syria, illaa haatan faahfaahin kama bixinin safarkan qorshaysan.

Madaxweynihii ugu dambeeyey ee ka socda dalka Iran ee booqasho ku taga dalka Syria wuxuu ahaa Maxamuud Axmed Najaat, kaasoo dalkaas booqday sannadkii 2010.

Sidoo kale madaxweyne Assad ayaa isagu booqday Tehran bishii May ee sannadkii hore, kaasoo ahaa, safarkii labaad ee uu dalkaas ku tago, tan iyo intii uu dagaalku ka bilawday Syria.

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sannadkii hore bogaadiyey xidhiidhka uu dalkiisu la leeyahay Syria, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay mid muhiim u ah labada dal, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo xidhiidhkaas, sida ugu macquulsan.

Iran, ayaa kalmo milateri iyo mid dhaqaale u fidinaysay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Assad, tan iyo markii uu dagaalku bilawday, iyada oo ciidamo u dirtay Syria, ka dib codsi ay sheegeen inay ka heleen xukuumadda dalkaas, kuwaas oo ay ku tilmaantay inay yihiin la taliyayaal.

Marka laga soo tago Ruushka, Iran ayaa ah saaxiibka ugu weyn ee uu isku halleeyo Assad, kaas oo la tacaalaya dagaalo sokeeye oo dalkaas ka socda, kaas oo ay ku nafwaayeen illaa 500,000 oo qof, halka ay ku barakaceen kala badh shacabka dalkaasi.

Xigasho: VOA

- Advertisement -