Allbanaadir.com
NEWS

Rag qaraxyo iyo Dronis soo galiyay Gaalkacyo oo maxkamad lasoo taagay

Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka Sida ee dambiyada culus ee Puntland ee gobolka Mudug Iyo Ceyn ayaa la horgeeyey afar eedaysane oo ku eedaysan inay katirsan yihiin kooxaha Alshabaab iyo Daacish.

Raggan maxkamadda la horgeeyay ayaa lagu qabtey qaraxyo iyo Daroonis, waxaana saddex kamid ah eedaysanayaasha loo haysto inay magaalada Gaalkacyo soo galiyeen walxaha qarxayada laga sameeyo sida baaruudo TNT iyo daroono, isla markaana ay ka mid yihiin ururka argagixisada daacish.

Eedaysanaha 4aad ayaa isna ku eedeysan inuu ka soo goostay ururka aragagixisada ee Al Sshabaab, una socday in uu ku biiro ururka kale ee argagixisada daacish, balse ciidanka sirdoonka oo xogtiisa horey u haysay ay gacanta ku dhigtay.

Magacyada xubnaha maxkamadda lasoo taagay ayaa kala ah:

1 Maxamud Daahir Maxamed 25jir ah Ina Maryan Cabdi

2 C/Fitaax Xaashi Diiriye 36 jir ah Ina Caasho Salaad

3 Jaylaani Shariif Siidow 28 jir ah Ina Batuulo Macalin

4 Ciise Xuseen Ibraahim 22 jir ah Ina Sahro Cali

Maxkamadda ayaana dhageysiga kiisaskan loo heesto raggan kaddib la filayaa in xukunno ku rido, waxa ayna raggan qaarkood beeniyeen dambiya lagu soo eedeeyay, iyaga oo sheegay in alaabta lagu qabtay lagu soo qiyaameeyay.

Related posts

Dowladda oo bilowday in xoog uga saarto dadkii degnaa Guryo kuyaalla Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Warbaahinta Kenya: Ciidankii Cabdi janan way ku jabeen dagaalkii B/xaawo (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada amaanka Muqdisho oo qaaday talaabo si weyn loogu amaanay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---