Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiiyay iyo War-murtiyeed lasoo saaray

War-murtiyeedka laga soo saaray Wada hadalada Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkiga garwadeen ka ahaa ,ayaa la waxaa la isku raacay in labada dal ay ka gudbaan waxyaabihii dhaliyay khilaafaadka (Taas oo macnaheedu yahay MOU)

1- In la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka labada dal sida ay qabaan xeerarka caalamiga ee Axdiga QM iyo Midowga Afrika (Taas oo meesha ka saareysa aqoonsiga Somaliland)

2- In Itoobiya loo oggolaado marin badda ah oo sharciyeysan, iyadoo la tixgelinayo wadajirka dhuleed ee dowladda Federaalka Soomaaliya

3- In si dhow looga shaqeeyo heshiisyada ganacsi ee dan u ah labada dal, iyadoo loo marayo heshiisyo labo geesood ah.

4- Wada hadalo farsamo ah oo bilaabanaya February 2025 oo mar kale Turkiga fududeynayo, laguna soo gabagabeynayo afar bil gudahood.

Related posts

Baaxada khasaaraha uu Ayaxa ka geystay Somalia oo la shaaciyey & Kenya oo..

Caydiid Ali

Weerar lagu qaaday Maraakiib ay leedahay Dowlada Imaaraadka iyo Cabsi soo korortay

Cabdi Cade

Nabadoon caan ah oo lagu dilay degaan ka tirsan gobolka Hiiraan (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---