Dowlada Soomaaliya oo soo dhaweysay Kacdoonka ay bilaabeen Kooxda Cali Qaran

War Saxaafadeed kasoo baxay dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay kacdoon ay gobolka Bakool gaar ahaan duleedka magaalada Xudur ka bilaabeen koox la magac baxday Cali Qaran oo dadka deegaanka ah.

Kooxdan ayaa dhawaan dagaal la gashay kooxda Al Shabaab ee maamusha qeybo kamid ah gobolka Bakool, kadib markii kooxdan oo xoolo dhaqato dadka deegaanka ah ay ka biyo diideen bixin xoolo sako ah oo laga aruurin jiray.

.”Kacdoonka  shacabka ee looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, wuxuu horay uga socday gobollada Shabeellada Dhexe, Mudug iyo Hiiraan, taasoo lagu wiiqay itaalka kooxda Al-Shabaab ee maafiyada ah,,dowladdu waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed in ay kala shaqeeyaan la dagaalanka kooxda Al-Shabaab oo duulaanka ku ah Diinta, Dadka, Hanitda iyo dowladnimada Soomaaliya.”ayaa laggu yiri waraxaafadeedka dowlada.

Warkan kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mudooyinkii u dambeeyay ay wiiqantay awoodii kooxda Al Shabaab, waxa ayna dowlada sheegtay in kooxdaasi kasoo baxeen iskuna soo dhibeen dhankooda saraakiil iyo dagaalyahano badan.

Qaar kamid ah gobolada dalka ayaa waxaa ka aas aasmay kooxo u badan xoolo dhaqato kuwaa oo hubka u qaatay in ay dagaal la galaan Al Shabaab, waxaama kooxahaasi kamid ah kuwa la magac baxay Macawiisley iyo kooxda cusub ee Cali Qaran la baxday.

 

- Advertisement -