Maxaa ka jira inuu dib u dhacay shirkii beri loo balansanaa ee madaxda DF & D/Goboleedyada?

Dib u dhac kooban ayaa ku yimid shirkii wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee lagu waday inuu beri oo Khamiis ah ka furmo magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan warar caawa soo baxay.

Waxaa shirkaas ka qeyb galaya madaxda DF, kuwa dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiin kale, iyadoo looga hadlayo dardar gelinta arrimaha doorashooyinka.

Ilo wareedyo ka tirsan xafiiska RW Somalia ayaa allbanaadir online u xaqiijiyey dib u dhaca shirka oo lagu macneeyey iney la xiriirto arrimo farsamo.

Dib u dhacan ayaa la xiriira iyadoo inta badan madaxda dowlad goboleedyada ay ka maqan yihiin Muqdisho, marka laga reebo Madaxweynaha Galmudug oo caawa soo gaaray caasimada dalka.

Madaxda kale ee dowlad goboleedyada ayaa la filayaa iney beri illaa Jimcaha soo gaaraan magaalada Muqdisho, iyadoo shirku si rasmi ah u furmayo maalinta Sabtida.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xusseen Rooble, ayaa sheegay inuu rajeynayo in guul uu kusoo dhammaado shirka golaha wada-tashiga qaran ee la filayo inuu ka furmo magaaladda Muqdisho.

Rooble ayaa xusay inay ka go’antahay fududeynta wax kasta oo guul u horseedi kara shirka, isaggoo siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyey taageerada ay u muujiyeen dadaalada uu wado, waxaana uu ka codsaday garab-istaag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -