Hooyo iyo Caruur ay dhashay oo kamid Noqday Dadkii ku dhamaaday Qaraxii Ceelgaabta

Waxaa barqanimadii maanta qarax ismiidaamin dad badan  ku dhinteen uu ka dhacay agagaarka Isgooska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho gaar ahaan bar koontarool oo laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxan ayaa sababay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah iyo askar katirsan ciidanka dowlada, waxaana waxyeelada xoogeeda uu qaraxan kasoo gaaray dad shacab ah oo gaadiid saarnaa iyo kuwa lugeenayay.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qaraxa ku dhinteen 8-qof uu sheegay in 6 kamid ah ahaayeen shacab halka labada kalana ahaayeen askari taraafik iyo ninkii qaraxa fuliyay.

Waxa uu sheegay afhayeenka in dadka qaraxa ku dhintay ay ku jiraan hooyo iyo labo caruur ah oo dhashay oo gaari saarnaa xiliga uu qaraxu dhacayay kuwaa oo ku geeriyooday gudaha gaarigii ay la socdeen.

Khasaaraha ka dhashay qaraxan ismiidaaminta ah ayaa laga badinayaa inta uu sheegay afhayeenka, waxaana jira dad badan oo shacab ah oo qaraxaasi ku dhintay kuwaa oo qaarkood eheladooda qaateen halka kuwa kalana isbitaalada ku dhinteen.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan ismiidaaminta ah ee ka dhacay Muqdisho, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in qaraxa lala beegtay gaadiid ay la socdeen masuuliyiin katirsan dowlada oo ku sugnaa goob ta uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad oo ismiidaamin ah oo 24-saac gudahood ka dhaca Muqdisho, waxaana shalay qarax uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa iskiu soo xiray uu ka dhacay agagaarka xerada Villa Baydhbo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -