Ciidamo isku abaabulay dagaal ka dhan ah Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Deegaanka Miirtaqwo ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa lagu soo bandhigay ciidamo kuwa deegaanka ah oo loo diyaarinayo dagaal ay la galaan dagaalyahanada Al Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa gaaray deegaanka Miirtaqwo ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna saraakiishan dadka ay la kulmeen ku dhiiro galiyeen in ay isku diyaariyaan dagaal ay la galaan Al Shabaab.

Dadka deegaanka is abaabulay ayaa loogu tala galay in ciidamada dowladda ku garab siiyaan howlgalo la doonayo in Al Shabaab looga saaro degmooyin iyo deegaano ay kamid yihiin Alkowthar, Aadan yabaal, Ceel dheere,  Cali Fool dheere iyo kuwa kale.

Gobolka Shabeelaha Dhaxe qeybo kamid ah waxaa ka socda howlgalo la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaanada ay ka joogaan, waxa ayna ciidamada howlgalada wada dhawwaan la wareegeen deegaano Al Shabaab horey u heesteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -