Guddoomiye Cali Jeyte oo Aqalka Sare uga Warbixiyay howlgalada ka socda Hiiraan (Sawirro)

Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Muane Cabdullaahi Cali Xersi {Timacadde} ayaa manta Xarunta Aqalka Sare ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jayte Cismaan.

Guddoomiye Cali Jayte ayaa Guddoonka Aqalka Sare uga warbixiyay halka ay marayaan howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda Al-shabaab ee ka socda dalka gaar ahaan Gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Jayte guddoonka u sheegay in ay muhiim tahay in dagaalka la mideeyo oo saf balaaran laga dhigo si meel kali ah aan culayska dagaalka loo saarin, loogana guulayso cadawga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan doorka muuqda ee uu ka qaatay dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab oo uu ku hoggaamiyay shacabka dhiifoon ee Gobolka Hiiraan oo gacan ka helaya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -