Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Olusegun Obasanjo oo booqasho ku imanaya Magaalada Muqdisho

Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obosanjo ayaa maanta booqasho ku tagaya magaalada Hargeisa  ee xarunta maamulka Somaliland.

Obasanjo ayaa haatan madax ka ah hey’ad fadhigeedu yahay Koonfur Afrika oo la yiraahdo  Brenthurst Foundation oo ka shaqeysa horumarinta dhaqaalaha Afrika.

War ay soo saartey Brenthurst Foundation  ayaa waxay ku sheegtay in Obasanjo tagayo Hargeisa kadib markii ay codsi ka heleen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Madaxweyne Olusegun Obasanjo ayaa ka dib booqasho ku iman-doonaa magaalada Muqdisho, isagoo u kuur-geli-doonna inuu is-dul istaago xaqiiqooyin kala duwan, wuxuuna kulamo la qaadan doonaa madaxda dowlada qaarkood.

Obasanjo ayaa Madaxweyne ka soo noqday dalka Nigeria sanadihii 1999-2007, waana rug cadaa siyaasadeed oo caan ka ah qaarada afrika iyo caalamka intiisa kale.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Alison Blackburne oo soo gaaray Muqdisho lana kulmay Masuul sare

Cabdi Cade

Imaaraadka oo ogolaaday in Garoonka Berbera ay adeegsan karaan Diyaaradaha Rayidka

Cabdi Cade

Shirkadaha Diyaaradaha oo looga digay in Garbahaarey usoo qaadaan Guddigii uu Rooble Magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---